Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka Somaliland oo saakay u dareeray Goobaha codbixinta (Daawo Sawirro)

Shacabka kunool deegaanada maamulka Somaliland ayaa saakay u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan golaha Wakiilada iyo golaha deegaanka ku matali doona deegaanada maamulka Somaliland.

Guddiga doorashada maamulka Somaliland ayaa diiwaan galiyay dad gaaraya  1,065,847, kuwaa oo codkooda ka dhiiban doono 2,709 goobood oo loo asteeyay in dadku codadkooda ku dhiibtaan.

Waxa ay sidoo kale guddiga doorashada sheegeen in golaha Wakiilada Somaliland isku soo sharaxeen  246 ruux oo kala matalaya sadexda xisbi ee ka jira Somaliland halka golaha deegaanka iyana isku soo sharaxeen 552 qof.

Doorashada saakay ka bilaabatay deegaanada maamulka Somaliland waxaa kormeerayaal ka ah xubno ka socda in ka badan 10-dal oo u badan Afrikan , waxaana kormeerayaasha ku jira madax hore iyo siyaasiyiin caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka ugu liita Horumarka Haweenka Caalamka

Cabdi Cade

Daawo Sawirada “Madaxweyne Farmaajo oo safar dhulka ah ku gaaray Magaalada Qardho

Caydiid Ali

Markab shixnad milateri u wada israel oo ku xirtay Masar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---