Jubbaland oo xilalkii ka qaaday Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Gedo (Akhriso)

Digreeto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubbaland mudane C/Qaadir Caaji Maxamuud ayaa xilka lagaga qaadey qaar kamid ah maamulka gobolka Gedo halka xilal loo magacaabey masuuliyiin cusub.

– Cismaan Xaaji Nuur -Waxaa laga qaadey xilka gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo waxaa lagu badaley Maxamed Xuseen Cismaan inuu noqdo gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo.

-Maxamed Cabdullaahi Gardhuub- Waxaa laga qaadey xilka gudoomiyaha degmada Luuq waxaana lagu badaley Bishaar Aden Cabdikariim inuu noqdo gudoomiyaha degmada Luuq.

– Cabdullaahi Nuur Xasan Waxaa laga qaadey xilka gudoomiyaha Baardheere waxaana lagu badaley Ismaaciil Cabdi Qorax inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee degmada Baardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -