Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday Mashaariic Horumarineed (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah Xarunta Wasaardda Maaliyadda kula yeeshay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo masuuliyiin ka tocotay Dowladda Saudi Arabia oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee ay si gaar ah Dowladda Soomaaliya mudnaan u siinayso.

Intii uu socday shirka, Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay abuuridda fursado dhaqaale oo lagu maalgalinayo bulshada Soomaaliyeed, si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo wax-soosaarka.

Kulan kan oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, madaxda Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, Safiirada laba Dal ee Soomaaliya iyo Saudi Arabia ayaa waxaa lagu saxiixay heshiis is afgrad ah oo Dowladda Sucuudigu ay ku maalgalinayo qodista Ceelal Biyoodyo iyo horumarinayo Reer Miiga

Talaabooyinka horumarineed ee lagu maalgalinayo ilaha dhaqaalaha ayaa ah natiijo ka dhalatay hannaankii deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay ku maamushay waddadii saxnayd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Maraykanka oo taageertay heshiiskii diblomaasi ee Somaliland iyo Taiwan

Caydiid Ali

(Akhriso) Guddiga difaaca Golaha shacabka oo sadex qodob ka soo saaray dagaalka Al-shabaab

Caydiid Ali

Ganacsato looga digay in faa’iido ka raadiyaan saameynta ka dhalatay Caronavirus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---