Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo soo bandhigay gaarigii qaraxyada lagu qabtay maanta (Sawirro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa , kaa oo la doonayay in dhibaato loogu geesto shacabka Soomaaliyeed.

War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya , ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay gaari ay sheegeen in loo soo waday magaalada Muqdisho, kaa oo ay tilmaameen in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Booliiska ayaa sheegay in waxyaabaha qarxa ee gaariga lagu qabtay lagu soo qariyay sameecadaha waa weyn si loogu qiyaameeyo ciidanka booliiska, waxa ayna taliska booliiska Soomaaliya sheegeen in ciidamada u suurto gashay in ay ka war helaan dhagarta kooxda Al Shabaab.

”Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah , waxaana ay ku talagaleen in si farsameysan Ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurageli waysay maadaama Ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ay adeegsanayaan Khawaariijtu marwalbo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliiska.

Booliiska Soomaaliya , ayaa sheegay in ciidamada kahor taga qaraxyada ku guuleesteen in ay fur furaan qaraxyadii gaariga laga soo buuxiyay, waxa ayna xuseen in booliiska har iyo habeen u taagan yahay fashilinta dhagarta kooxaha cadawga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan uu qabsan lahaa Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh oo la joojiyey

Caydiid Ali

Ammar culus oo la dul dhigay maleeshiyaadkii ku dagaallamayay Sh.Dhaxe (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Masar oo aqbashay dalab muhiim ah oo kaga yimid dhigeeda Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---