Dowlada Maraykanka oo taageertay heshiiskii diblomaasi ee Somaliland iyo Taiwan

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa ammaanay galaangalka diblomaasi ee Taiwan  ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan Somaliland.

“Waa guul laga gaaray xiriir diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xiriir la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland” ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee AP.

Xiriirka xun ee kala dhexeeya Shiinaha ayaa sababay in dowladnimo ay waydo Taiwan oo ah maamul dimuquraadi ah oo xiriir la leh illaa 15 dal oo keli ah, kamana tirsano Qaramada Midoobeey.

Sidoo kale inta badan hay’adaha caalamiga ah waxay xiriir toos ah la leeyihiin Xukuumadda Beijing oo keli ah.

“Waa muhiim in la arko Taiwan oo sare u qaadeysa shaqadeeda xiriir ee Bariga Afrika, xilliga oo ay baahi badan jirto, Taiwan waa saaxiib ku fiican caafimaadka, waxbarashada, iyo kaalmada farsamo, iyo waxyaabo kale oo badan” ayaa sidoo kale lagu qoray Twitter-ka Laanta Amniga Qaran ee Mareykanka.

Taiwan oo Shiinaha uu u aqoonsan yahay gobol dalkiisa ka tirsan iyo Somaliland oo iyana sheegta iney ka madax banaan tahay Somalia ayaa dhowaan heshiis diblomaasi kala saxiixday, waxaana heshiiskaas cambaareeyey shiinaha iyo dowlada federaalka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -