Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsato looga digay in faa’iido ka raadiyaan saameynta ka dhalatay Caronavirus

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa uga digay ganacsatada ku dhaqan deegaanadaasi in aysan faa’iido badan ka raadin saameynta ka dhalatay caabuqa Caronavirus ee dunida kusii faafaya.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ayaa ganacsatada Jubbaland loogu digay in aysan kordhinin qiimaha badeecadaha ay iibiyaan iyaga oo ka faaiidaysanaya xaaladda uu keenay caabuqqa COCID-19.

Maamulka Jubbaland ayaa ku hanjabtay in talaabo sharci ah laga qaadi doono ganacsatadii lagu arko in ay faa’iido badan ka raadinayaan saameynta ka dhalatay Caronavirus, waxaana ciidamada amaanka la faray in ay si hoose arintan ula socdaan

Halkan ka AKhriso War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada ganacsiga Jubbaland

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo baroordiiq 3 cisho ah ku dhawaaqay, Guddina u saaray Aaska Guddoomiye Yariisow

Caydiid Ali

Burcad-badeedii Soomaaliyeed ee afduubatay Markabkii MV Ruen oo la geeyay Mumbai (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaanad ka tirsan BF oo sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax banaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---