Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo qabtay rag iyo dumar geestay dilal iyo dhaawac

Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir, ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qab qabteen rag iyo dumar ku eedeysan in ay geesteen falal isugu jira dilal, dhaawac iyo dhac.

Howlgalka ay ciidanka ka sameeyeen degmooyin katirsan gobolka Banaadir ayey kusoo qab qabteen 22 eedeysane oo geestay falal dambiyeedyo isugu jiray dilal, dhaawac iyo sidoo kale dhac xoolo dadweyne.

‘’Hay’addaha amiga Gobalka Banaadir iyo Shacabka Caasimadda oo is kaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 21 eedeysane oo kukacay falal iskugujira Dil, Dhaawac, Dhac dadweyne iyo ka ganacsi maandooriye’’ ayaa lagu yiri war caawa kasoo baxay laamaha amniga.

Booliiska Muqdisho ayaa sheegay in kooxahan dambiilayaasha ee lasoo qabtay la horgeyn doono caddaaladda , waxa ayna dadweynaha ka codsadeen in xogaha kooxaha dambiilayaasha lasoo wadaagaan laamaha amniga.

Screenshot

Related posts

Nin dil iyo dhaawac u geestay Sodohsiid iyo Xaaskiisa

Cabdi Cade

Wasiir Beyle oo shaaciyey War wanaagsan oo ku saabsan deymaha Somalia lagu leeyahay

Caydiid Ali

Duuliye isaga oo hawada ku jira geeriyooday iyo wixii diyaarada ka dhax dhacay geeridiisa kadib

Cabdi Cade
Taboola Ads ---