Al-shabaab oo soo bandhigtay hub iyo gaadiid ay ku qabsatay dagaalkii Qaayib (Sawirro)

Kooxda Al-shabaab ayaa goob aan la sheegin ku soo bandhigtay gaadiid dagaal iyo hub kala duwan oo ay sheegeen iney ku qabsadeen dagaalkii weynaa ee shalay ka dhacay degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Al-shabaab ayaa baraha bulshada ku faafiyey sawiiro laga soo qaaday qalabka iyo gaadiidka oo meel la iskug keenay.

Waxyaabaha ay soo bandhigeen waxaa ka mid ah afar gaari oo iskugu jira kuwa dagaalka iyo kuwo kale, qoryo kala duwan oo ay ku jiraan boobayaasha culus, gantaalaa garabka laga rido iyo saanad kale oo milateri.

Dagaalo culus ayaa shalay mar kale ka dhacay degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ay mudooyinkan gacanta ku hayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay halkaas ku qaadeen weerar culus oo ku bilowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey.

Waxaa la soo sheegayaa in dagaalka uu geystay khasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo DF sheegtay in la jebiyey xoogagii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday haatana ciidamadedu ay gacanta ku hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -