Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo lacag dhan 25 Milyan siinaya qofkii keena xogta Madaxweyne maanta…

Dowladda Mareykanka, ayaa kordhisay lacag abaalmarin ah oo la siinayo qofkii keena xog horseedi karta in lasoo xiro Madaxweynaha dalka Venezuela, Nicolás Maduro oo maanta markii saddexaad oo xiriir ah loo dhaariyay xilka Madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweyne  Nicolás Maduro , ayaa markii saddexaad maanta loo dhaariyay xilka Madaxweynaha , kaddib markii uu ku guuleestay doorasho shaki badan la galiyay natiijadeeda, waxaana diiday natiiada doorashada mucaaradka dalkaasi iyo qaar badan oo dalalka caalamka kamid ah.

Dowladda Mareykanka oo madax Madaxweyne  Nicolás Maduro ciddii keenta xog lagu soo qaban  horey u ballanqaaday, ayaa hadda kordhisay lacagta abaalmarinta ah, waxa ayna Mareykanka sheegeen in lacag dhan 25 milyan la siinayo ciddii keenta xogta lagu soo qaban karo Maduro.

Waxa sidoo kale dowladda Mareykanka lacago kalo oo abaalmarin ah u ballanqaaday ciddii keenta xog iyana horseedi karta in lasoo xiro wasiirka arimaha gudaha Diosdado Cabello iyo sidoo kale wasiirka difaaca Venezuela, Vladimir Padrino.

Dowladda Ingiriiska  ayaa sidoo kale horey cunaqabateyn adag ugu soo rogtay 15-xubnood oo katirsan madaxda dalka Venezuela ugu sareysa, kuwaa oo ay ku eedeeyeen in ay ku kaceen dambiyo kala duwan sida dilal iyo musuqmaasuq.

Related posts

Musiibo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dal kuyaalla Qaarada Afrika

Cabdi Cade

Wareegtadii Saadaq Joon lagu hoos geeyay Saldhiga Booliska Garoonka Adan Cadde oo la baahiyay

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi oo Baku kula kulmay dhigiisa dalka Azerbaijan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---