Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo burburiyay shan talis oo ay lahaayeen Daacish

Ciidamada difaaca maamulka Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Calmiskaad ayaa gebi ahaanba baabi’iyay ilaa shan talis oo argagixisada Daacish lee yihiin.

Qoraal kooban oo ka soo baxay hawlgalka la-dagaallanka argagixisada ee Puntland ayaa lagu xaqiijiyay warka ku saabsan burburinta goobihii gabbaadka u ahaa kooxaha Daacish ee buuraleyda Calmiskaad.

Hawlgalka la-dagaallanka argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada difaacu burburiyeen islamarkaana gubeen ilaa shan talis oo mileeshiyaadka Daacish ku lahaayeen buuraha Calmiskaad gaar ahaanna degaannada (Il iyo Cameyra).

“Ugu yaraan shan tallis oo argagixisada laheyd ayaa Ciidanku burburiyeen oo gubeen, il iyo Cameyra- Calmiskaad” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland.

Warar dhinaca Amniga ayaa sidoo kale sheegaya in keyd badan oo saad iyo raashin ah kooxaha argagixisada ah ugu keydsanaa xarumaha ciidamadu burburiyeen.

 

Related posts

Maxay tahay xarunta cusub ee uu xariga ka jaray Taliyaha Booliska Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Hay’adda duulista Rayidka oo amar cusub ku soo rogtay dayuuradaha u duulaya Kismaayo

Caydiid Ali

Xabad joojin ka dhaqan gashay Sudan iyo xaalada Khartuum oo xasiloon

Caydiid Ali
Taboola Ads ---