Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo howlgal ku qabtay 48 qof oo ku eedeysan..

Howlgalo ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka fuliyeen Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Hub sharci darro ah, eedaysanayaal lagu qabtay falal amniga liddi ku ah iyo kuwo isticmaalayey maan-dooriye kuwaasoo tiradoodu gaareyso illaa 48 eedeysane.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/lle Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgaladii dhacay, kiisaska lasoo bandhigay, digniin iyo amarro cusub oo Taliska Boolisku ku soo rogay Mootooyinka Bajaaj-ta iyo FEKON-ta ee Muqdisho ka howlgala.

Mootooyinka Fekon ayuu sheegay iney laga mamnuucay labo qof wax badan in lagu raaco kuwaasoo uu sidoo kale sheegay in laga rabo iney wataan koofiyadaha madaxa ugu dambeyn 25ka bishan.

Mootooyinka bajaajka ayuu sidoo kale in laga mamnuucay in lafy raaco 3 qof iyo darawalka wax ka badan.

Qoryaha Dabajeexa ee BKM-ka loo yaqaano ayaa ka mamnuuc ah iney qaataan ilaalada madaxda dowlada ee dhexmareysa magaalada Muqdisho kuwaasoo uu sheegay iney khal khal ku yihiin amniga, wuxuuna xusay in qoryaha Ak-47 iyo afar askari wax ka badan aan loo ogoleyn iney ilaalo ka dhigtaan madaxda iyo saraakiisha DF

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Hogaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Boliiska  kaasoo ka qabsoomay Xarunta Taliska guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa dib u eegis loogu sameeyey waxa ka hirgalay qodobadii hore ee ka soo baxay kulankii todobaadkii hore , waxaana xoogga lagu saaray isla xisaabtanka saraakiisha shaqada loo idmaday si looga dhabbeeyo dhaqangelinta qodobada kasoo baxa shirarka Saraakiisha Sare ee heer Istaraatiijiyadeed.

Taliyaha oo ka mahadceliyey shaqada ay hayaan saraakiisha ayaa hadana faray in ay xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda oo hadda laga dheehan karo isbadal weyn inuu ku yimid, isagoona si gaar ah u xusay in muhiimad gaar ah la siiyo adkeynta amaanka iyo la shaqeynta Ciidamada kale ee Dawladda si looga dhabeeyo qorshaha Amniga Qaranka

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

Related posts

Gabdho Qurux badan oo qeyb ka ah Olalaha musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug

Cabdi Cade

(Akhriso) Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo & qodobada lagu eedeeyey

admin

Weriyeyaal ka tirsan Aljazeera oo mar kale si xun loogu dhaawacay Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---