Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal Amni xaqiijin ah oo laga sameeyay xaafado katirsan Muqdisho (Sawirro)

Ciidamo katirsan booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkan looga hortagayay kooxaha falalka amni darro geesta.

Ciidamada ayaa inta ay howlgalka ku jireen waxa ay baaritaano ku sameenayeen mootooyinka nuucyadooda kala duwan iyo sidoo kale gaadiidka nuuca raaxada ay wataan shacabka.

Saraakiisha hoggaamineysay booliiska ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka caasimadda loogana hortgayay kooxaha hubeesan ee falalka amni darro magaalada ka geesta iyo burcada hubeesan.

Howlgalkan booliiska xalay ka sameeyeen xaafado katirsan magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli ciidamo cusub oo milatri sida booliiska u tababaran lagu wareejiyay amniga qeybo kamid ah caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal Xoogan oo dhax maray ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab & Odawaa oo ka hadlay

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo ka digtay masiibo cusub oo ka soo fool leh Magaalada Gaza

Caydiid Ali

Raila Odinga oo mar kale u tartamaya xilka madaxweynaha Kenya iyo Uhuru oo garab siinaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---