Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Xamza oo labo qodob oo Muhiim ah kala hadlay Culimada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamse Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah la qaatay Xubno ka socday Culimaa’udiinka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha iyo sidii loogu gargaari lahaa Bulshada Soomaaliyeed ay saameynta lixaadka leh u geysatay Abaarta ka jirta dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrinaha amniga iyo doorka ay Culimada ku leeyihiin ka hortaga fakirka Argagixisada waxa loogu yeeray.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Culimada u ballan qaaday inuu la tashiyo dhaw kala yeelan doono arrimaha muhiimka ah, isla markaasna ay ka kaashan doonaan horrumarinta dalka.

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee ka qeyb galay kulankaas ayaa balan-qaaday iney kaalinta kaga aadan ka qaadan doonaan gurmadka abaaraha iyo la dagaalanka fikirka diineed ee Al-Shabaab.

Related posts

Gaashaanle Sare Cali Cosobow Calasow oo geeriyooday iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo Shirweyne ka furay Doha (Sawirro)

Cabdi Cade

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---