Allbanaadir.com
NEWS

Haweeneyda ugu da’da weyn adduunka geeriyootay iyada oo jirta …

Haweeney u dhalatay dalka Japan, oo diwaanka Guinness World Records uu u aqoonsaday haweeneyda ugu da’da weyn adduunka, ayaa geeriyootay iyadoo 116 jir ah.

Tomiko Itooka ayaa ku geeriyootay guri dadka da’da ah lagu xannaaneeyo oo ku yaalla magaalada Ashiya.

Waxay noqotay qofka ugu da’da weyn adduunka kadib markii Maria Branyas Morera oo Spain u dhalatay ay geeriyootay bishii August 2024 iyadoo jirtay 117.

Ms Itooka ayaa dhalatay May 1908 – lix sano kahor Dagaalkii Koowaad ee Adduunka iyo isla sanadkii gaariga nooca Ford Model T lagu daah-furay Mareykanka.

Bishii September 2024 ayaa la xaqiijiyay inay tahay qofka ugu da’da weyn adduunka.

Related posts

Xukun Dil ah oo lagu riday Maxamed Aadan Maxamed iyo Dambiga uu galay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Ciidamada Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay gaari qaraxyo laga soo buuxiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirada Ugu Muhiimsan Xukuumadda Britina oo loo magacaabay Xubno aan Cadaan aheyn

Cabdi Cade
Taboola Ads ---