Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan caan ah oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Hirshabelle

Waxaa sii kordhaya siyaasiyiinta caanka ah ee laga soo doorto dowlad goboleedka Hirshabelle, kuwaa oo dhaliil xooggan u jeedinaya Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo dib u dhac.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ahaa xildhibaannada Hirshabelle kasoo jeeda , ayaa qoraal uu soo saaray ku dhaliilay Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxa uuna ku eedeeyay hoggaan xumo iyo in uu la haray Hirshabelle.

”Hirshabelle waxaa la haray ,hogaan xumo eber ka hooseeysa, horukac la’aan heer kasta, iyo o dadkeedii oo qeybsan oo aan hishiis aheyn” ayuu ku yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim  Macalimuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle , ayaa marar badan lagu eedeeyay in uu ku fashilmay hoggaaminta dadkii doortay, waxaana maamulkan uu noqday midka ugu hooseeya dhanka horumarka iyo tayada marka loo eego maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shariif Xasan oo safar dhulka ah ku tegay degaan ka tirsan gobolka Bay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo shaacisay inuu socdo qorshe lacag cusub lagu soo daabacayo

Caydiid Ali

Xabsi Qurux badan oo laga Dhisay Muqdisho oo maanta xariga laga jarayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---