Wasiirada Ugu Muhiimsan Xukuumadda Britina oo loo magacaabay Xubno aan Cadaan aheyn

Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Britain Liz Truss, ayaa soo xushay golaha cusub ee wasiiradda xukuumadda ay hoggaamin doonto, waxaana wasaaradaha ugu muhiimsan usoo xulatay xubno aan cadaan aheyn.

Wasiiradda ay soo xulatay Ra’isul Wasaare Liz Truss ayaa xilalka ugu muhiimsan u magacawday xubno madow ah, waxaana markii ugu horeesay afarta wasaaradood ee ugu muhiimsan xukuumadda Britain laga waayay wasiiro cadaan ah.

Ra’isul Wasaaraha Britain ayaa u magacawday wasiirka cusub ee maaliyadda in uu noqdo  Kwasi Kwarteng oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Ghana, waxaana ninkan waalidkiis dalka Britain yimaadeen  sannadkii 1960-meeyadii.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Britain ayaa loo magacaabay James Cleverly oo isna ah nin madow ah , waxaana ninkan iska dhalay hooyo kasoo jeeddo dalka Sierra Leone iyo aabe cadaan ah oo u dhashay Britain.

Ra’isul Wasaare Truss ayaa u xulatay Suella Braverman, in ay noqoto wasiirka arrimaha gudaha Britain , Suella ayaa waalidkeed ka yimaadeen Kenya iyo Mauritius 60- sano ka hor, waxa ayna haweeneydan madowga ah maamuli doontaa wasaaradda arrimaha gudaha.

Dowladda Britain ayaa inta badan wasiiradda ugu muhiimsan loo magacaabi jiray xubno cadaan ah, waxa ayna noqoneysaa xukuumadii ugu horeesay oo wasaaradaha ugu muhiimsan lagu sharfo in ay hoggaamiyaan siyaasiyiin madow ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -