Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo shaacisay inuu socdo qorshe lacag cusub lagu soo daabacayo

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe C/raxmaan Max’ed C/llaahi ayaa ka warbixiyay hannaanka lacag bixinta mideysan ee ay wadaagaan bangiyada dalka.

C/raxmaan Max’ed C/llaahi waxa sheegay in lagu guuleystay hannaanka isku xiran ee bangiyada,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in dadka lala wadaago,iyadoo la xafidayo ayuu yiri hantida shacabka ee taallaa 13 bangi gaar ah  oo xiriir wanaagsan la leh Bangiga Dhexe.

Waxa uu xusay in waajibaadkooda qaran uu yahay hubinta adeegyada ay bixiyaan bangiyada gaarka ah iyo sida ay ugu dhaqmaan shuruucda lagama maarmaanka ah ee u degsan  maamulada guud ahaan bangiyada.

Guddoomiyaha, mar uu ka hadlayey soo saaridda lacago cusub oo shillin Soomaali ah waxa uu qiray in ay socdaan diyaargarow ku aadan howshaasi, sidaa awgeedna ay rajeynayaan in waqtiyada soo socda lagu guuleysto soo saaridda lacago cusub.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe C/raxmaan Max’ed C/llaahi waxa uu rajeeyay in sanadka soo socda la helo Koboc dhaqaale oo aad u wanaagsan, inkastoo ayuu yiri cudurka Covid 19 uu saameyn ku yeeshay ganacsigii caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/MZYtEwR0pN4

Related posts

Saciid Ciise: “Waa iney Somalia cashar ka barataa dabinada ku wareegsan deyn qaadashada”

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo loolan adag kala kulmaya Doorashada Turkiga ka dhaceysa

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo garab istaag u muujisay dowlada iyo Shacabka Tanzaaniya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---