Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo ku dhawaaqday inay ku jirto dagaal caalami ah

Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay ku jirto dagaal heer Caalami ah, oo ay hoggaaminayaan Argagixisada dunida ugu halista badan ee Daacish.

Qoraal ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ku jirto dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah oo isaga yimid dunida daafaheeda, isla markaana ay hoggaaminayaan ajaaniib halis ah.

“Dowladda Puntland waxay ku jirtaa dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah, waad ogtihiin in xalay , Maraykanka sida laamahooda Amnigu sheegeen, in nin ka tirsan ISIS/Daacish weerar gaari ku dilay 15qof, sidaasi darteed waa dhacdo la mid ah hawlgalka dharjaale oo aynu argagixisada ISIS/Daacish ku jebinnay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha wasiirada Puntland ayaa sidoo kale ku bogaadisay Ciidamada difaaca ee ku sugan Gobolka Bari siday ugu jebiyeen argagixisadii ISIS/Daacish degaanka dharjaalle, iyadoo uusan Argagixisada qofna ka laaban oo la laayey, dhammaantoodna ay Ajaanib ahaayeen.

“Golaha Wasiirrada ayaa ku boggaadiyey Ciidanka Difaaca Puntland siday ugu jebiyeen argagixisadii ISIS/Daacish deegaanka dharjaalle, iyadoo uusan Argagixisada qofna ka laaban oo la laayey, dhammaantoodna ay Ajaanib ahaayeen” ayuu sii raaciyay qoraalka.

Related posts

Wasaaradda Waxbarashada oo isbadal ku sameysay nidaamka Waxbarashada Jaamacadaha dalka

Cabdi Cade

Dhibaato ka taagan Muqdisho oo Dowladda wax ka qaban weysay oo Al Shabaab loogu yeeray

Cabdi Cade

Booliis Dabin cajiib ah u dhigay kooxo burcad ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---