Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhibaato ka taagan Muqdisho oo Dowladda wax ka qaban weysay oo Al Shabaab loogu yeeray

Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo batay dhallinyaro ciyaar weero ah oo dadka nafta u keenay, dhallinyaradan oo ku xooggan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ayaa dadka u geesanaya dhibaatooyin ay ku jiraan dhac, dil iyo kufsi.

Ciidamada dowladda ayaa ku guul dareestay in dhallinyaradan oo koox koox u abaabulan wax ka qabtaan, waxa ayna arrintan keentay in dadka qaar isaga qaxaan ciyaalkaasi dartood xaafadihii ay degnaayeen.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu hadda sii xumaaday xaalkeeda ayna gaartay heer ciyaar weero looga qaxo xaafado katirsan degmooyin katirsan Wadajir iyo Dharkeenley.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay soo gaartay xog ku aadan markii dadkii shacabka ka quusteen in laga qabto ciyaal weerarada in ay u dacwoodeen Al Shabaab kana codsadeen in ay wax ka qabtaan ciyaalkan dadka nafta u keenay.

”Muqdisho xaafado katirsan maka war heysaan in Ciyaal weero looga qaxayo, iska dhaaf Al Shabaab iyo ciidanka dowladda ee wax dhaca, xaalka farakabax amni ayuu marayaa,waxaa la ii sheegay in Dharkeenley dad kunool Al Shabaab ka dalbadeen in ciyaalkan si ka yeelaan, waad maqasheen in ciyaal weerada saddex qof dileen oo gabdho kufsadeen, marka xaalka caasimadda halkaas  ayuu marayaa” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay kahor tagaan ciyaal weerarada oo markii hore ku bilowday dhagxaan ,budad iyo toorey balse hadda soo baxeen kuwa hubeesan oo wata qoryo iyo biskoolado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

https://www.youtube.com/watch?v=fTRUX_QOROk

Related posts

Xubnaha Al Shabaab kasoo goosanaya iskuna soo dhiibaya ciidanka Dowladda oo kordhay

Cabdi Cade

Farmaajo oo ku fashilmay arrin uu ka damacsaaa Shirka wadatashiga & Galmudug oo..

Caydiid Ali

Jeneraal Biixi oo Shaaciyay fal layaab leh oo ay sameeyeen xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---