Booliis Dabin cajiib ah u dhigay kooxo burcad ah (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan booliiska dalka Mareykanka ayaa dabin cajiib ah waxa ay u dhigeen kooxo burcad ah oo kunool xaafad ay degan yihiin dadka Sabool ah oo katirsan magaalada Chicago.

Booliiska ayaa goob cidlo ah waxa ay uga tageen gaari nuuca xamuulka qaada ay saaran yihiin alaabo qaali ah, waxa ayna booliiska fureen albaabada gaariga xamuulka si burcada u damcaan in ay u dhacaan.

Ciidanka booliiska ee Dabinka dhigay ayaa ku dhuuntay meel aan ka fogeyn goobta uu gaarigu yaalo, waxaana dabinka ay booliiska dhigeen si deg deg ah ugu soo dhacay kooxo burcad ah oo doonayay in ay qaataan alaabta gaariga saaran.

Booliiska ayaa durba goobtaasi ka xir xiray qaar kamid ah burcadii damcay in alaab kala degaan gaariga xamuulka qaada, waxa ayna arintan ay noqotay mid si weyn looga hadal hayo Mareykanka.

Saraakiisha booliiska oo sharaxaya farsamadooda dabinka cusub ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa in looga hortago falal tuugonimo oo kusoo batay rimoorka baabuurta waaweyn ee xamuulka ee halkaas la dhigo ama isticmaala.

Booliiska dalka Mareykanka ayaa marar badan sidan oo kale waxa ay dabino ugu dhigeen kooxo burcad ah, waxa ayna goobo cidlo ah booliiska dhigaan alaab qaali ah oo lagu xiray qalab burcada qaadata lagu soo qaban karo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -