Faysal Cali Waraabe: ”Muuse Biixi ma joojin karo wadahadalka Somalia & Somaliland”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hor yimid hadalkii kasoo yeeray Muuse Biixi ee ahaa in la joojiyay wadahdalladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi ayaa si caro leh u sheegay shalay in maamulkiisu uusan wada hadal la gali doonin Soomaaliya illaa inta laga siinayo madax bannaani.

Balse Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi aanu joojin karin wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhaxeeya, isagoo ku adkeystay inay wadahadalladu socon doonaan tan iyo inta labadda dal ay kala baxayaan.

“Wadanka laguma maamulayo caadifad, haddii aad dadka la tashan weydo waa lagaa tashanayaa Madaxweyne, wadahadaladuna go’aan qaran ayuu ahaaye ma ahayn mid shaqsi ah, wuxuuna ku bilaabmay talo qaran oo golayaasha sharci dajintu ay ogolaadeen” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wadahadalka Somalia iyo Somaliland u dhexeeyay oo dhowr waji oo hore soo maray ayaa waxaa garwadeen ka ahayd beesha caalamka, iyadoo dadaal loogu jiray inuu dhaco heshiis is afgarad ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -