Dhismaha dekeda Garacad ee gobolka Mudug oo beri bilaabanaya (Daawo Sawirro)

Dhismaha Dekada degaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug ayaa la shaaciyey in maalinta beri ah si rasmi ah loo bilaabayo.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in la diyaariyey dhamaan qalabkii iyo gaadiidkii loogu talo galay dhismaha, ayna diyaar yihiin Injineero  ajnabi ah oo dhismaha dekedea fulinaya.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 31kii July ee sanadkan dhagax dhigay dhismaha dekeda, xili uu degaanada Puntland booqasho ku joogay raisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre.

Puntland ayaa xiligaas ka carootay Khayre oo diiday inuu dhagax dhigo dekeda Garacad ka dib cadaadis kaga yimid Maamulka Galmudug oo aaminsan in dhismaha dekedaas uu yahay mid lagu carqaladeynayo dedaalka uu maamulkaas ugu jiro dhismaha dekeda Hobyo.

Dekedda Garacad ayaa la qorsheeyey in dhererkeedu noqdo 636m iyo ballac gaaraya 50m, waxaa hoos loo qodi doonaa 11.5 illaa 14.5m, iyadoo mashruucan ay ku baxeyso lacag gaaraysa 40 milyan oo dollar, waxaana dhisi doonta dekeda shirkad laga leeyahay wadanka Turkiga oo la yiraahdo  TTN.

Shirkadda dhiseysa dekedda ayaa sheegtay wajiga koowaad ee dhismaha uu ku dhammaan doono muddo 22 bilood ah.

Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay in dhaqaalaha ku baxaya dekeda Garacad uu ku yimid isku tashi bulsho,  aysana jirin kaalmo dibadeed oo ay heleen haba yaraatee.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -