Ra’isul Wasaare loo heesto dilka Xaaskiisa oo Maxkamad lasoo taagay

Ra’iisul wasaaraha dalka Lesotho, Thomas Thabane, ayaa kasoo hormuuqday Maxkamasa ku taala dalkaasi, waxaana loo heestaa Ra’isul Wasaaraha ku lug lahaanshaha dil loo geestay Xaaskiisa.

Muuqaalo iyo Sawirro laga soo qaaday dhageysiga Maxkamada ayaa laga dhax arkayay Ra’isul Wasaare Thomas Thanabe oo wal wal badan uu ka muuqdo wajigiisa xili ay dhinac fadhisay xaaskiisa oo sidoo kale iyana qeyb ka ah dacwada kiiska dilka.

 

Garsoorayaasha maxkamada ayaa sheegay in dib loo dhigay dhageysiga dacwada loo heesto Ra’isul Wasaaraha si ay garsoorayaasha u helaan waqti dheeraad ah oo go’aan uga gaaraan kiiskan.

Xaaskii hore ee Ra’iisul wasaare Thomas Thabane, ayaan la toogtay sannadkii 2017-kii labo maalmood uun ka hor inta aan xilka loo caleemo saarin ra’iisul wasaaraha, waxaama kiiskan la tuhmayaa in ay ku lug leedahay xaaska uu hada qabo ra’isul Wasaaraha.

 

- Advertisement -