Kursigii loo diiday in uu u tartamo Jawaari oo Doorashadiisa la qabtay laguna guuleestay

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ka dhacday doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP103 uu horey ugu fadhiyay Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Kursigan doorashadiisa ka dhacday Baydhabo waxaa shalay hakiyay doorashadiisa Guddiga Doorashada Heer Federaal ,hasa ahaatee go’aanka guddigaasi waxaa kahor yimid guddiga doorashada Koonfur Galbeed kuna adkeestay in ay qabtaan doorashada.

Doorashada kursiga HOP103 oo goordhaw ka dhacday magaalada Baydhabo waxaa ku guuleestay Maxamed Cali Xasan oo ah nin dhalin yaro ah oo katirsan Wasiirada Koonfur Galbeed uuna watay Madaxweyne Laftagareen.

Guddiga Doorashada Heer Federaal ee hakiyay in kursigan doorashadiisa qabsoonto iyo guddiga xalinta Khilaafadaka heer federaal ayaan la oheyn go’aanka ay ka qaadan doonaan doorashada kursigan oo muran badan abuuray.

Doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ku bilaabatay hab musuq maasuq ah oo loo wada jeedo, waxaana dhamaan kuraasta Xildhibaanada golaha shacabka ee la doortay ahaayeen kuwa aan lagu tartamin oo xubno la watay loo xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -