Taliye Indho-qarshe & Saraakiisha Turkiga oo qodobo xasaasi ah ka wada hadlay (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkiga, kuwaasoo tababareyaal ka ah dugsiga tababarka Ciidanka Turksom ee Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay labo qodob oo kala ah dardar-gelinta tababarada Ciidanka Xoogga salka, si gaar ah waxay uga hadleen siddii CXDS ee tababarka ku qaatay dugsiga Turksom ugu qeyb qaadan lahaayeen howlgalada dalka looga saarayo Al-Shabaab, isla markaana loo howlgelin lahaa, si khibradooda looga faa’iideysto.

Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa soo dhaweeyay kaalinta dawladda Turkiga ka qaadaneyso dhismaha ciidanka Xoogga Dalka.

Dugsiga Tababarka Ciidanka ee TurkSom ayaa waxaa hadda tababar uu uga socdaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga, iyaddoo horay dugsigaas ay uga qalin jabiyeen dhowr dufcadood, kuwaasoo Taliska ciidanka XDS uu qorsheynayo in la howlgaliyo oo ay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xorreynayo Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -