(Daawo) Farmaajo oo 16 bilood ka dib ku soo laabtay Muqdisho, kana hadlay ujeedkiisa

Madaxweynihi hore ee Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo aya saaka soo gaaray caasimadda Muqdisho oo uu ka maqnaa muddo ku dhow sanad iyo bar

Farmaajo ayaa diiday in loo sameeyo soo dhaweyn iyo in shacabka la abaabulo, dhaqankaasoo uu lahaa markuu Madaxweynaha ahaa, waxaana markuu yimid la geeyay qeybta VIP ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo uu kula kulmay qeyb kamid ah mas’uuliyiinta Dawladda Soomaliya.

Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay muddo 16 bilood ah ka dib inuu dib ugu soo laabto Muqdisho, wuxuuna xusay inuu u yimid sidii uu uga shaqeyn lahaa xalna loogu heli arrimaha wax ka bedelka dastuurka furan oo la doonayo in wax laga bedelo ama la dhameystiro.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta badan sidii talada dalka looga guuleystay sanadkii 2022  ku noolaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Qatar.

Farmaajo ayaa imaanshihiisa waxaa uu ku soo beegmay iyadoo muddooyinkii Dambe ay dalka ka taagnayd Ismaandhaafka wax ka badelka dastuurka, isagoo ka mid ah siyaasiyiin mucaarad ah oo diiday sida uu wax wado madaxweyne Xassan Shiikh.

Maalmaha soo socda ayuu khudbad ka jeedin doona Baarlamanka Soomaliya oo ay ka socoto haatan dooda wax ka bedelka dastuurka isago difaaci doona in dastuurka aysan koox gaar ah badali karin.

HOOS KA DAAWO HADAL KOOBAN OO UU JEEDIYEY FARMAAJO KA DIB SOO LAABASHADIISA DALKA

- Advertisement -