Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyaha Mucaaradka Siiriya oo hadalkii u horeeyey jeediyey

Hogaamiyaha mucaaradka la wareegay talada Siiriya Abu Mohamed Al-Julani ayaa khudbad ka jeediyay Masjidka Umuwiyiinta ee Magaalada qadiimiga ah ee Dimishiq.

Al-Julani oo ah hogaamiyaha jabhada Xayaat Taxriir al-Sham (HTS) ayaa ku baaqay duco guud oo Allah loogu mahdinayo guusha la gaaray.

“Yaa Allah hanugu fashilin guusha aad na siisay,” ayuu yiri Al-Julani oo hadalkiisa raaciyay. “Reer Suuriya, dhamaantood waxay qayb ka ahaayeen guushan.”

Waxaa uu ku eedeeyey Maamulkii Asad inuu xasuuq joogto ah ku hayey shacabkiisa muddo dheerna uu dhiigooda daadinayey

“Maamulka al-Asad] waxa uu laayey shacab boqolaal kun gaaraya xabsigana  waxaa uu u taxaabay kumannaan shacabkiisa ah si xaq-darro ah oo aanay wax dambi ah gelin,” ayuu yiri.

“Waxaan nahay dadkii xaqa u lahaa Dalkan, waanu dagaalamaynay, maantana waxaa nalagu abaal-mariyey guushan.” ayuu yiri hogaamiyaha oo shacabka Siiriya u balan qaaday cadaalad iyo sinaan.

Related posts

(Sawirro) Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka degmada Diinsoor

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay Shan xubnood oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo magacaabay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Hirshabelle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---