Mo Faarax oo ku farxay Go’aan cusub oo kasoo baxay dowladda Britain

Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse heesta dhalashada dalka Britain Mo Farah  ayaa  shaaciyay in si sharci darro ah, isaga oo carruur ah lagu geeyay dalka Britain, sidoo kale la siiyay  magaca ilmo kale si uu ugu shaqeeyo guriga ciddii kaxaysatay.

Mo Farah ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in isaga oo sagaal sanno jir ah haweeney Britian u dhalatay tahriibisay si ay ugu shaqeesato, waxa uuna xusay in magaca Mo Farah uusan aheyn kiisa dhabta ah balse sharciga lagu siiyay.

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay sheekada Mo Farah ee ku shaaciyay in magaciisa saxda ah uusan aheyn kan  hadda loo yaqaan iyo in si sharci darro ah ku galay dalka Britain oo magaca dalkaasi guulo badan ku gaaray.

Mo Farah ayaa wareysi cusub uu bixiyya sheegay in uu “nafisay” markii uu xafiiska Waaxda Arrimaha Gudaha ee UK sheegay in uusan wax tallaabo ah ka qaadi doonin ciyaaryahankan,  oo shaaciyya in sharci darro ku galay Britain.

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in aysan baaritaan ku samayn doonin ciyaaryahanka oo loo yaqaanno Sir Mo Farah, waxa ayna taasi farxad galisay ciyaaryahanka oo ka walaacsanaa waxa dhici doona kaddib wareesigiisa.

“Kani waa waddankayga. haddii uusan ahaan lahayn [macallinkeyga maaddada ciyaaraha] Alan iyo dadka i taageeray carruurnimadeydii oo dhan, waxaa laga yaabi lahaa in aanan heli lahayn dhiirranaanta aan sidan ku sameeyay.” ayuu yiri Mo Farah.

“Waxaa jira dad badan oo noloshayda abaal ku leh – gaar ahaan xaaskayga, oo aad ii taageereysay guud ahaan waqtigii aan xirfadda kusoo jiray, waxayna i siisay awoodda aan uga hadlay arrintan, iyadoo ii sheegtay inay tahay wax caadi ah.”

Dalka Britain ayaa sharci ahaan waxa ay dhalashada  kala noqon kartaa qofka qaab khiyaano ah ku qaata sharciga, balse Xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in uusan tallaabo ka qaadi doonin dhalashada Sir Mo, maadaama ay aaminsan tahay in carruurtu aysan wax shaqo ah ku lahayn haddii dhalashadooda ay ku imaato qaab khaldan.

Mo Farah ayaa magac iyo sharaf ku dhax leh dalka Britain oo 4 jeer ku guuleystay horyaalka Olympic-da adduunka,  waxaana orodyahankan dunnida caanka ka ah shaaciyay in magaciisa dhabta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -