Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo wada xaajood la furtay Mucaaradka la wareegay Siiriya

Iran ayaa wada-xaajood la furtay mucaaradka la wareegay maamulka Suuriya, si ay u hesho khad ay kula xiriirto mucaaradka iyo marin ammaan ah oo ay kula bixi karto ciidanka iyo hantida ka taalla gudaha Suuriya, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

Hoggaanka mucaaradka ayaa la sheegay inay dammaanad qaad siiyeen Iran taasoo la xiriira inaan  la taaban doonin hantida Iran.

Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya Abu Maxamed Julani ayaa la wadaagay dawladda Iran, farriin uu u ugu sheegayo inay ilaalin doonaan shiicada laga tiro badan yahay ee Suuriya iyo goobahooda diinta

Iran ayaa isla markiiba joojisay inay warbaahinteeda adeegsadaan erayga ‘takfiir’ oo loogu yeeri jiray marka laga hadlayo mucaaradka, sida uu wargeyska New York Times ka soo xigtay saraakiisha Iran.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha sare ee mucaaradka Suuriya, Abu Maxamed Julani, wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay CNN, inay doonayaan dhammaan ciidanka shisheeye ee ku sugan gudaha Suuriya inay si dhaqso leh uga baxaan, isagoo markaa ku sheegay wax ay u dagaallamayaan sidii dib loogu heli lahaa ‘sharafka iyo xorriyada qofka Siiriyaanka ah.

Related posts

Guddoomiye Yariisow oo daahfuray Mashruuc cusub oo faaiido u leh bilicda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo bandhigay Qodobada Aasaasiga u ah Dowladiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Ciidamol Itoobiyaan ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---