Dugsiyada New Zealand oo Ardayda baraya Nolosha Gabdhaha Muslimiinta ah

Geeddi-socodka taariikhda, haweenku aalaaba waxay ahaayeen laf dhabarta bulshooyinka iyo aas-aaska xasiloonida iyo horumarka umadaha.

Ogaanshiyaha kaalinta gabdhaha Muslimiinta ah ay ku leeyihiin bulshada, dugsiyada sare ee New Zealand ayaa hadda soo kordhinaya barnaamij cusub oo lagula dagaallamayo aragtida qaldan ee laga qabo gabdhaha Muslimiinta ah.

“Dadku inta badan waxay u maleeyaan in haweenka Muslimiinta aan xor ahayn ama ay yihiin kuwa lagu sanduleeyo howlaha ay ka hayaan guryahooda,” Anjum Rahman, oo ah afhayeenka Golaha Haweenka Muslimiinta NZ ayaa u sheegtay saxaaafadda.

“Sidaas darteed ayaan u dooranay sheekada 13 haween oo shaqooyin kala duwan ka haya guryaha iyo goobaha shaqada si aan u iftiimino wax-ku-oolnimadooda,” ayay intaas kusii dartay.

Rahma ayaa quudareynaysa barnaamijkan cusub inuu noqdo mid wax ka beddela wacyiga bulshada ee la xiriira gabadha Muslimadda ah.

“Dhinaca walba oo aad ka eegto, haweenku waa safka hore kuwa kaga jira horumarinta kaabayaasha nolosha,” ayay tiri.

Golaha Haweenka Muslimiinta New Zealand ayaa wasaaradda wax-barashada u gudbiyay dalabkan oo ahaa mid ayyidaya fahamka bulshada ee ku aadan xaqa gabadha Muslimadda.

Islaamka ayaa soo gaaray NZ bilowgii 1900 ilaa 1960. Tira badan oo Muslimiin ah oo kasoo yaacay Fiji ayaa soo gaaray NZ. Xaruntii ugu horreysay ee Islaami ah waxaa la furay sannadkii 1959.

Maanta, guud ahaan waddanka waxaa ku yaalla dhowr masaajid iyo xarumo kale oo Islaami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -