Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyihii Garasbaaley oo la aasay iyo Masuuliyiin janaaso ku tukaday (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeybgalay Tukashada Salaada Janaaso ee Guddoomiyihii Deegaanka Garasbaaley Marxuum Maxamed Abuukar Afrax oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray Qarax Miino oo lala eegtay Gaarigiisa.

Cumar Filish ayaa Tacsi u diray Qoyska, Qaraabada iyo Bulshada reer Garasbaaley ee uu ka baxay Marxuumka.

Waxa uu eebe ugu baryay in jannadii Fardowso eebe ka waraabiyo Qoyskiisana Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Maxamed Abuukar Afrax ayaa xilkan loo magacaabay 30-kii Bishii May ee Sanadkan, isagoo bedelay Guddoomiyihii ka horeeyay C/raxmaan Axmed Cali Garyare oo isna qarax miino lagu dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Puntland oo maanta Daacish kala wareegay dhul hor leh iyo hub

Cabdi Cade

Xubno kamid ah Guddiga xalinta Khilaafaadka oo Shaqada laga eryay & xubnaha cusub oo lagu bedelay !!

admin

Baarlamaanka oo loogu baaqay in ay xilka ka qaadaan Xamse Barre

Cabdi Cade
Taboola Ads ---