Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda geysay Raaskanbooni oo halis ku jira iyo Al Shabaab oo…

Dowladda Soomaaliya ayaa boqolaal askari oo katirsan ciidanka kumaandooska ee Gorgor iyo kuwa  booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad geysay deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidankan ayey dowladda sheegtay in halkaasi u geysay in ay la wareegasn saldhigyo ay ka baxeen ciidamada ATMIS, hasa ahaatee waxaa la rumeysan yahay dowladda in ciidankaasi arrimo siyaasadeed halkaasi u geysay.

Maamulka Jubbaland ayaa isgaarsiintii ka jaray deegaanka Raaskanbooni, waxa ay sidoo kale ciidamada Jubbaland qorsheenayaan in ay weeraraan deegaanka Raaskanbooni oo hadda u muuqda mid gacantooda ka baxay.

Dhinaca kale dagaallamayaal katirsan Al Shabaab ayaa lagu arkay goobo aan ka fogeyn deegaanka Raaskanbooni, waxaana laga cabsi qabaa in kooxda Al Shabaab in iyana weeraraan Raaskanbooni , halkaas oo go.doon ku yihiin ciidanka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ciidanka ay geysay Raaskambooni ayaa wajaha labo qatarood oo ugs imaanaya dhinaca Jubbaland iyo Al Shabaab, waxaana ciidanka sii murjiyay xaaladooda markii laga jartay isgaarsiinta.

Related posts

Madaale oo Bandhig weyn ka furay Magaaladda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Pakistan oo dagaal u diyaargarowday iyo hubka nukliyeerka oo heegan la geliyay

Cabdi Cade

Howlgal dad badan lagu qab qabtay oo laga sameeyay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---