Allbanaadir.com
NEWS

Donald Trump oo hanjabaad aan horey loo arag u jeediyay Xamaas

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka , Donald Trump ayaa si adag ugu hanjabay Xamaas, isagoo u sheegay haddii aysan soo sii-deyn maxaabiista ay gacanta ku hayaan ka hor inta uusan xilka la wareegin 20 bisha Jannaayo,2025 ,

Trump ayaa ku hanjabay in markaa uu bariga dhexe ka dhalin doono ‘cadaab’, wuxuu si cad u sheegay si aan horey Mareykanka loogu diiwaangelin in loo ciqaabi doono kuwa mas’uulka ka ah waxa ay la kulmayaan maxaabiista.

Trump ayaa ka hor inta uusan xafiiska imaan tilmaamay ka bixinaya sida ay suragal u tahay inuu Mareykanka ku weerarro Xamaas gudaha marinka Qasa , tan oo ka duwan wax kasta oo ku saabsan nabaddii uu sheegay inuu raadin doono marka uu xafiiska la wareego.

Laakin waxaan ku sheegaya, halka ay ka timid carada iyo hanjabaada Trump — maanta waxaa la xaqiijiyay inay Xamaas ku dishay howlgalkii 7 Oktoobar, askari Mareykan-Israa’iili ah , xilligaana ay meydkiisa ku hayaan Qasa , warka wuxuu ka yimid dhinaca Israa’iil, ma garanayo tani inay tahay qorshe ay Israa’iil ku doonayso sidii ay dagaalka ugu soo jiidi lahayd Mareykanka , taa oo horey dhowr mar looga maqlay Iran oo ka digaysa inay Israa’iil sharciyad u raadinayso dagaalka gobolka sidii loogu soo jiidi lahaa Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa horey Israa’iil ugu taageertay xasuuqa ay ka geesteen magaalada Gasa, waxa ayma Mareykanka siiyeen ciidamada Yahuuda gantaalada iyo bambooyinka lagu xasuuqay shacabka Falastiin laguna burburiyay Gasa.

Related posts

Dowlada Somalia oo maanta si buuxda ula wareegeysa Ciidamada Imaaraatka u tababareen

Cabdi Cade

Askari katirsan Ciidanka Difaaca Kenya oo laayay xubno Qoyskiisa kamid

Cabdi Cade

Xal laga gaaray Geedi Socodka Kulamada Golaha Shacabka iyo sida Warbaahinta laga yeelayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---