Howlgal dad badan lagu qab qabtay oo laga sameeyay magaalada Muqdisho

Ciidamada amaanka gaar ahaan booliiska Soomaaliya ayaa xalay howlgal dad badan lagu qab qabtay waxa ay ka sameeyeen xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa si gaar ah looga sameeyay xaafada Taleex ee degmada Hodan, waxa ayna ciidamada booliiska soo qab qabteen dhalinyaro badan oo ku fiidsaneysay maqaayado xaafada Taleex ku yaalay.

Ciidamada amaanka ayaa dhalinyaradii ay soo qabteen isugu geeyay goob barxad ah, waxaana ciidamada wareysi ay la yeesheen kadib dhalinyaradii ay soo qabteen markii dambe badankooda sii daayeen.

Howlgalada baaritaanada ay sameenayaan ciidamada amaanka ayaa ka dhaca xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho, waxa ayna saraakiisha amaanka sheegeen in howlgalka uu yahay mid amaanka lagu xaqiiijinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -