Allbanaadir.com
NEWS

Labada Aqal oo ansixiyay xubnaha guddiga doorashooyinka xlli foodo socotay

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa , ayaa ansixiyay xubnaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimadah Qaranka oo xalay golaha Wasiiradda soo ansixiyeen.

Kulanka xildhibaannada labada Aqal ayaa ku furmay foodo iyo buuq, waxaana la arkayay xildhibaannada labada Aqal qaarkood oo buuq sameenaya sidoo kale yeerinaya firimbi, waxaana daqiiqado dhowr ah xarunta golaha ka taagneed foodo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka guddoominayay, ayaa sheegay in xubnaha guddiga doorashada ay ansixiyeen 169 xildhibaan , sidoo kale ay diideen 6 xildhibaan, waxa uuna intaa ku daray in aysan jirin cid ka aamustay.

Xubnaha guddiga doorashada ee la ansixiyay ayaa ka shaqeenaya sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taas oo dadka kasoo horjeeda sheegayaan in aysan suurto gal aheyn in xilligan dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod , taa badalkeena la raadinayo muddo kororsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dood ka taagan xil ka qaadis lagu sameenayo Kursiga Aqalka sare ee Ra’isul Wasaare…

Cabdi Cade

Trump oo telfoon kula hadlay Erdogan iyo Xayiraad la saaray masuuliyiin Turki ah

Cabdi Cade

Guddoomiye Cali Jeyte oo shaaciyay in Madaxda Al Shabaab carruurtooda Nolol fiican ku jiraan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---