Guddoomiye Cali Jeyte oo shaaciyay in Madaxda Al Shabaab carruurtooda Nolol fiican ku jiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo socdaal ku marayay deegaano katirsan gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay in dib u bilaaban doono howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socday gobolka.

Cali Jeyte ayaa sheegay in dadka deegaanka ku dhaqan gobolka Hiiraan diyaar u yihiin in ay iska difaacaan kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay in kooxdaasi cadaw aysan ku aheyn reer Hiiraan kaliya, balse cadaw ku yihiin umadda Soomaaliyeed .

Waxa uun ku eedeeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Al Shabaab in aysan raali ka aheyn in horumar iyo nolol laga sameeyo gobolka Hiiraan, waxa uu kale uu sheegay in dadka xoog uga qaadanayeen gabdhaha iyo xoolahooda.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in carruurta ay dhaleen hoggaamiyaasha sar sare ee Al Shabaab in aysan is qarxin sidoo kale dagaalada ka qeyb gelin, waxa uuna xusay in carruutooda waxbarasho iyo nolol ugu direen dalka dibadiisa.

”Haddii ay run sheegayaan Cali Dheere iyo kuwa kale ilmo ay dhaleen oo is qarxiyay yaa maqlay, war hadey run sheegayaan annagu nafteena jiida dagaalka keenay carrurteenana weyn nala socdaan,iyagu naftooda dagaalka soo ma galaan ee ciyaal aysan dhalin ayey yiraahdaan gala dagaalka,mana is qarxiyaan carruurtooda ee Nairobi iyo wadamo kale ayey wax ku bartaan ” ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.

Hadalkan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli uu maalmahan hakad galay howlgaladii ka socday gobolka Hiiraan , waxa uuna mar kale guddoomiyaha bilaabay abaabul dagaal cusub oo ka dhan ah Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -