Allbanaadir.com
NEWS

Kheyre oo nasiibdarro ku tilmaamay tallaabo maanta DFS qaaday una hambalyeeyay…

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo maanta ku guuleestay doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Xasan Kheyre ayaana Madaxweynaha la doortay ugu baaqay  in uu mudnaanta koowaad siiyo dib-u-heshiisiinta Jubbaland, la dagaallanka kooxda Al Shabaab, iyo sidoo kale xasilloonida amniga deegaannada maamulka Jubbaland.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaana nasiibdarro weyn ku tilmaamay in madaxda dowladda Soomaaliya ciidankii qaranka ku daadgureenayaan deegaannada Jubbaland , si ay halkaasi colaad uga abuuraan, waxa uuna ugu baaqay madaxda dowladda in ay joojiyaan hurinta colaada ay wadaan.

”Waxaa nasiibdarro ah in Madaxda Dowladda Federaalku oo uu riixayo damac gurracan ay ciidankii qaranka ku sii daadgureynayaan Jubbaland, si ay colaad uga huriyaan deegaanka. Waxaana ugu baaqayaa in ay degdeg u joojiyaan hurinta colaaddan oo fursad siinayso khawaarijta, halis gelinaysa xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka, sidoo kalena wiiqaysa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Kheyre.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in doorashada saakay ka dhacday magaalada Kismaayo ay jid iyo jiho u yeelayso doorashooyinka dowladda Federaalka iyo dolwad-goboleedyada oo hubanti la’aan ku jiray.

Ugu Dambeyn Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay madaxda dolwad-goboleedyada Galmumug, Koonfur-Galbeed, iyo Hirshabeelle, in ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka dowlad goboleedyada , si uu farayo dastuurka maamuladaasi u degsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil tababar adag loogu soo xiray xerada Turksom (Sawirro)

Caydiid Ali

Kulan ay yeesheen Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Madaxweyne Deni oo fashil kusoo dhamaaday

Cabdi Cade

Taariikhda fog ee Muqdisho iyo halka uu ka soo jeeda Magaca Muqdisho Goormeyse Magaalo noqotay !!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---