Kulan ay yeesheen Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Madaxweyne Deni oo fashil kusoo dhamaaday

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in fashil uu kusoo dhamaaday kulan saacado badan lahaayeen Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Wasiirada katirsan Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre oo ay kamid ahaayeen Wasiirada arimaha dibadda iyo Qorsheynta ayaa u tagay magaalada Boosaaso in dhax dhaxaadin ka sameeyaan Xukuumada iyo Maamulka Puntland.

Sida aan wararka ku helnay Wasiirada ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Puntland in la xaliyo khilaafka dowlada iyo Puntland iyo in uusan ka qeyb galin caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo dhawaan la filayo in Kismaayo lagu qabto.

Wasiirada iyo Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka dowlada federaalka iyo maamulka Puntland , waxa ayna xuseen in Xukuumada diyaar u tahay qancinta Puntland si xal loo gaaro.

Madaxweyne Deni ayaa Wasiirada uu la kulmay u cadeeyay in uu ka qeyb galayo caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland oo lagu casuumay, waxa uu sidoo kale tilmaamay in diyaar u yihiin wadahadl iyo in la xaliyo tabashooyinka jira .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka ay yeesheen Wasiirada katirsan Xukuumada kana soo jeeda Puntland iyo Madaxweyne Deni uu kusoo dhamaaday fashil, waxaana wasiirada ku guul dareesteen in qorshahooda ka dhaa dhiciyaan Saciid Deni.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa fashilinta Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxa ay sidoo kale dowlada dooneysaa in ay xaliso khilaafka kala dhaxeeya maamulka Puntlanad hada isbaheysi la ah Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -