Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo war kasoo saaray Doorashada Axmed Madoobe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta Kismaayo lagu doortay.

“Waxaan u hambalyeeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, waxaan Allaah uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

Siciid Deni ayaa ugu baaqay madaxda maamulka iyo shacabka Jubbaland in ay ilaaliyaan kana shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida Jubbaland,  waxa uu sidoo kale ku baaqay in kala aragti duwanaashaha jira lagu dhameeyo wadahadal.

Jubbaland waxaan u rajeynaynaa nabad iyo horumar, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda Jubaland iyo Shacabkaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland, wixii kala aragti duwanaansho ahna in lagu xaliyo wadahadal.” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Doorshada uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa kasoo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya, hasa ahaatee waxaa taageeray qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka iyo Madaxweynaha Jubbaland.

 

Related posts

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Kismaayo iyo Howlgalo socda

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Villa Somalia ku saxiixay..

Caydiid Ali

Rooble oo Kismaayo kula shiray waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gedo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---