Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil tababar adag loogu soo xiray xerada Turksom (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta kuliyada tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho uga qeybgalay xaflad lagu dhaariyey saraakiil loo diyaariyey Leyli-Sarkaal iyo Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2024/2025.

Wasiirka ayaa ka waramay waajibaadka ciidamadan ka saaran sugida amniga iyo difaaca dalka oo uu xusay iney tahay howlaha ay u xilsaaran yihiin oo Qaranku uga fadhiyo

“Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh, kuna filan difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in dib u dhiska ciidanka Qaranka uu haatan marayo halkii ugu wanaagsaneyd muddo sanado ah, ayna mar aan fogeyn dowladu la wareegi doonto si buuxda amniga dalka iyo xuduudihiisa.

 

 

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Biden oo Baaskiil ka dhacay xili uu salaamayey taageerayaal

Caydiid Ali

Akhriso Magacyada dad ka badan 20-qof oo ku dhintay Weerarkii Hotelka Xayaat

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Kulankii RW Rooble & Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur?

Caydiid Ali