Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo War kasoo saartay Weerar lagu dilay Xubno katirsan Al Shabaab

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay duqeymo diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Mudug.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkan dhinaca cirka lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxa ayna dowlada xustay in duqeyntaasi aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah.

Halka ka Akhriso War Saxaafadeedka dowlada kasoo baxay

“Ciidamada Qaranka oo taageero Ka helay Ciidamada Maraykanka ayaa weerar qorshaysan Ka fuliyay fariisimo Alshabaab Ku lahaayeen Gobolka Mudug.

Hawlgalkaan oo dhacay saaka waabarigii ayaa Daba socday weerar kale oo isla shalay Ka dhacay isla nawaaxigaas.

Goobta uu hawlgalku Ka dhacay waxeey Ka tirsantahay Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Alshabaab ayaa saldhigaan Ka abaabulayay Weeraro Ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed waxaana loo gaystay waxyeelo baahsan oo lagu Kala dhantaal qorshahooda gurracan.

Weerarkaan waxaa lagu dilay  Saraakiil iyo Maleeshiyaad Ka tirsan shabaab mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Tani waxeey muujinaysaa sida Ciidamada Qaranku awood ugu leeyihiin in ay Ku beegsadaan shabaab goob kasta oo ay Ku suganyihiin iyo sida kooxdu ay ugu nugushahay in talaabo looga qaado goobkasta oo Ka Ku dhuumaalaysanayaan .

Dhamaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qorshe ka dhan Madaxwayne Farmaajo oo ka socda Dhuusamareeb & Axmed Madoowe oo go,aan ka qatay Gedo !!

admin

Dhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo la xiray iyo magacyadooda oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---