Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo ku deeqay gaadiid Milateri oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Wasaarada Gaashaandhiga dalka Mareykanka ayaa qalab iyo gaadiid militari ugu deeqday ciidamada ammaanka ee dalka Kenya.

U qeybsanaha Wasaarada gaashaandhigga dalka Kenya Colonel Kevin Balisky ayaa kaalmadan milateri ku wareejiyey taliye ku-xigeenka ciidamada Milateriga Kenya Majaor Gen. Jabkuto.

Gaadiidkan loogu deeqay ciidamada Kenya ayuu noociisu yahay kuwa gaashaaman ee aysan rasaasta iyo qaraxyadu karin, loona yaqaano (Armored Personnel Carriers (APC).

Maraykanka ayaa sheegay in gaadiidkan uu ugu talo galay in ciidamada Kenya ay u kaashadaan howlgalada ay kula dagaalamayaan kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee gudaha dalkaas ka wada weerarada.

Colonel Kevin Balisky ayaa sheegay inay sido kale tababaro u furayaan ciidamada ammanka ee dalka Kenya si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa dagaal adag kula jira xoogaga Al-shabaab oo gudaha dalkaas horey uga geystay weeraro qaarkood uu dhiig badan ku daatay, iyadoo sidoo kale dalkaas ay gudaha Somalia ka joogaan kumanaan askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar lagu dilay Khaliif Gaambe iyo xubno kale oo ka dhacay deegaan katirsan Galmudug

Cabdi Cade

Cali Jeyte oo ka hadlay Dagaalka ka qarxay Baladweyne iyo cidda masuulka ka ah

Cabdi Cade

Iran oo xabsi ku gurtay shabakad basaas u aheyd Israel & USA

Caydiid Ali
Taboola Ads ---