Dhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo la xiray iyo magacyadooda oo la shaaciyay

Ciidamada booliiska degmada Wadajir oo sameeyay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ayaa gacanta kusoo dhigay dhallinyaro lagu eedeeyay in ay faraha kula jireen falal amniga degmada lidi ku ah.

Dhallinyaradn ay soo qabteen ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay in ay dhac u geesanayeen dadka shacabka ah, waxaa sidoo kale dhallinyaradan lagu eedeeyay in ay wax u dhimayeen amniga iyo xasiloonida degmada .

Maamulka dcegmada Wadajir ayaana sheegay in dhallinyaradan ahaayeen   kuwa cabasho ka keeneen bulshada degmada, waxa ayna xuseen in laamaha amniga ku daba jireen kuwa kale oo iyana baxsad ah.

Dhallinyarada ciidamada amniga kasoo xireen degmada Wadajir oo sawiradooda iyo magacyadooda lasoo bandhigay ayaa la sheegay in looga gonleeyahay in lagu cabsi geliyo  kuwa kale ee falalka nuucaan oo kala ah ku howlan.

Halkan ka Akhriso magacyada dhallinyaradan la xiray

1. Cabdulqaadir Cabdullaahi Maxamed (Shiikheey)
2. Maxamed Cali Cumar (Jinijini)
3. Cabdulqadir Saalax Mursal (Khaakhaa)
4. Xassan kaafi Cabdi Cali (Qoyste)
5. Muuse Maxamed Xasan ( Muusaay)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -