Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah (Sawirro)

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa iyo wasiirka Cadaaladda dalka Qatar, ahna wasiirudawlaha Arrimaha golaha wasiiradda dalka Qatar mudane Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga.

Heshiiskan Is-afgaradka ah wuxuu ka turjumayaa danaha labada dal ee isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Sidoo kale, waxay labada dowladood iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijyada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda xirfadda & aqoonta sharciyaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka.

Munaasabadda saxiixa is-afgaradka oo ka Xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee Qatar ayey labada wasiir kulan gaar ah oo ay ku qaateen uga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga Cadaaladda ee labada dal,dhameystirka dastuurka Soomaaliya ,dhismaha cadaaladda dalka iyo in labada wasaaradood iska kaashadaan khibrad wadaagga iyo dhanka sharciga.

Related posts

Khayre oo gaaray Brussels, lana kulmay Guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub

Caydiid Ali

Kooxo hubeysan oo dilay Axmed Tahliil iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkaasi

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay Xanuunka Coronavirus & heegan la geliyey..(Akhriso)

Caydiid Ali