Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku qabtay xubno katirsan kooxda Daacish

Howlgalo ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lagu soo qabtay xubno katirsan kooxda Daacish.

Qoraal kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida ayaa lagu sheegay in xalay abaaro 11-kii fiidnimo howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka lagu soo qabtay xubno katirsan kooxda Daacish, waxaana NISA sheegtay in howlgalkan uusan ka dhalan wax khasaaro ah.

”Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November, 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho kasoo qabtay xubno ISIS ah ,howlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax kunoqon u fulay, soo qabashada xubnahaan ayaa Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida.

Hay’ada Nabad sugida ayaa marar badan shaacisay in howlgalo qarsoodi ah ay ciidamada NISA ka fuliyeen magaalada Muqdisho lagu soo qab qabtay xubno katirsan dagaalyahanada Al Shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -