Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaannada labada Aqal oo beri yeelana kulan xasaasi ah oo…

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in ay soo xaadirsaan fadhi wadajir ah, oo ay sabtida berri ah yeelanayaan labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.

Qoraal kooban oo lala wadaagay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa laga codsaday in ay soo xaadiraan Kulanka oo ku saabsan ansixinta hindisaha xeerka dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka.

Ajandaha fadhiga ayaa lagu sheegay akhrinta saddexaad iyo u codaynta hindisaha xeerka dhisidda guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, sida ku cad wargelinta lala wadaagay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.

Wargelinta waxa lagu xusay in sidoo kale ajandaha fadhiga berri uu ku jiro akhriska labaad ee hindisaha xeerka ururrada iyo xisbiyada siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Related posts

Saraakiisha dowlad degaanka Soomaalida oo war ka soo saaray dagaalka Al-shabaab

Caydiid Ali

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo Somalia ku dilay Bilaal Al-Sudani

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo safaarado cusub ka furaneysa dalalka caalamka qaarkood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---