Saraakiisha dowlad degaanka Soomaalida oo war ka soo saaray dagaalka Al-shabaab

Mas’uuliyiin Dowlad Degaanka u hadashay ayaa sheegay in ciidanka Liyuu Booliska ay dagaal adag kula jiraan Dagaalyahanada Alshabaab oo gudaha deegaanka soo galay ayna hadda ku hareeraysan yihiin ciidankii soo galay Afdheer.

Hay’adaha Amminga ee deegaanka Soomaalida ayaa intaas ku daray in kooxda Al0shabaab ee weerarka soo qaaday saaka si wayn loogu jabiyey tuulada Hulhul ee gobolka Afdheer waxay sheegeen inay gacanta ka soo dhigeen maxaabiis badan oo ka tirsan kooxda iyo hubkoodii.

“Gacanta ayaa lagu lahayaa qaybo kamida inta kalena waa lagu xeeran yahay dagaalkuna wuu socdaa meel ay u baxsan karaana ma jirto” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka dowlad degaanka Soomaalida.

Maamulka dowlad degaanka ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Afdheer iyo guud ahaan bulshada degaankuba ciidanka ha ku garabsiiyaan hawlgalka lagu nadiifinayo argagixisada ina soo damaacidey” ayuu yiri sarkaal ka tirsab Liyuu Boolis oo intaas ku daray iney saacadaha soo socda soo afjari doonaan Al-shabaabka weerarka soo qaaday.

Al-shabaab ayaa horey uga sheegtay guulo dagaalkan iyagoo xusay iney ciidanka Liyu Boolis ka dileen ku dhowaad 100 askari saanad ciidana ka furteen.

- Advertisement -