Dowlada Somalia oo safaarado cusub ka furaneysa dalalka caalamka qaarkood

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay qorshaha dowaladda Soomaaliya ee ku aadan in Soomaaliya ay dib u furato safaaradihii ay ku laheyd dalalka caalamka qaarkood

Wasiir Cawad waxaa uu sheegay si loo soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee ay Soomaaliya la laheyd dalal badan oo caalamka ka tirsan ay dowladdu wado qorshe arintaas la xiriira, taasina ay ku imaan karto in dib loo furo safaaradaha.

“Qorshahan waxa bilow u ahaa furitaankii dhawaan Safaarada ay Soomaaliya ku leedahay Mareykanka sidoo kalena qorshe waxaa socda ah in dhamaan la furo safaaradaha ay Soomaaliya ku lahayd caalamka xiligii beri samaadkii” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Dhinaca kale, Wasiir Cawad ayaa soo dhoweeyey 30 sano kadib talaabada ay dowladda Mareykanka dib ugu furatay safaaradii ay ku laheyd Muqdisho, taasoo uu sheegay iney tahay albaab muddo dheer ka xirnaa Somalia oo furmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -