Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo goordhaw Hargeysa ku geeriyooday

Waxaa goordhaw magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne hore Axmed Siilaanyo ayaa u geeriyooday xanuun mudooyinkii dambe hayay , waxaana geeridiisa xaqiijiyay xubno eheladiisa kamid ah.

Masuuliyiin, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida caawa ku timid Madaxweyne Siilaanyo, waxa ayna ku sifeeyeen hoggaamiye wax gal ahaa oo wax badan usoo qabtay bulshada Somaliland.

Geerida Madaxweyne hore Siilaanyo ayaa kusoo aadeysa xilli Somaliland 13kii bishan ka qabsoontay doorashada Madaxweynaha iyo tan xisbiyadda, waxaana la wada sugayaa natiijada doorasha dhacday.

Related posts

Cabdiraxmaan Cabdishakuur” Taliyaha NISA waxa uu Wareysan jiray Madaxda Al Shabaab”

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo sagootiyay Madaxweyne Cagjrar iyo wafdi la socday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DF oo diyaarisay dhaqaale lagula tacaalo Coronavirus & Goobaha Waxbarashada oo la xirayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---