Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay doorashadii ka dhacday Somaliland

Dowladda Itoobiya ayaa bogaadisay doorashooyinkii isku sidkanaa ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee ka qabsoontay deegaannada maamulka Somaliland 13kii November 2024 oo u qabsoomay hannaan xor iyo xalaal ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya qoraal ay soo saartay  ayey bogaadisay shacabka maamulka Somaliland  ee qabsaday doorashooyinka u dhacay sida nabadgelyada iyo Dimuqraaddiyadda laheyd.

Waxa kaloo wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya, ay ammaantay guddida doorashooyinka Somaliland ee agaasimay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, waxa ayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya sheegtay in doorashada u dhacday si aad loogu riyaaqay.

Warka kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in doorashooyinkii dhacay ay ka turjumayaan qaan-gaarnimadda Somaliland iyo nidaamkeeda dimuqraaddiyadda, waxa ayna xuseen in horumar iyo dimuquraadiyad ku tallaabsatay Somalilabd.

Doorashada ka dhacday deegaannada maamulka Somaliland , ayaana la sugayaa natiijada kasoo bixi doonta, waxaana si weyn loo hadal hayaa in doorashada Madaxweynaha uu kusoo bixi doono guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

 

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad lasoo taagay askari dil uu geestay sababay Rabshado ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Dowladda Qadar oo balan-qaaday iney Somalia ka taageereyso qodobo muhiim ah

Caydiid Ali

Afhayeen cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Amniga Jubbaland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---